Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan gaar ah ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga billaawgii bishaan March
"Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Waasaaraha.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in heshiiskan uu Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyada oo laga maamrmi doono deeqadaha caalamiga ah.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 7-dii bishaan March ku kala saxiixday magaalada Istanbul heshiis shidaal baaris iyo qodis ah oo laga sameynayo barriga iyo xeebaha Soomaaliya.
Warbixin ay hore u soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo inay haysato ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto kuwaas oo isagu jira shidaal iyo gaas ah, balse waxay u baahan tahay maalgashi qaadan kara seddex ilaa shan sano.



