Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in markabka sahaminta shidaalka ee Oruc Reis uu dhameystiray 50% sahanka uu ka waday badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu baadi-goobayo shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya.
Markabkan, oo bishii Oktoobar kusoo xirtay dekedda Muqdisho, waxa uu waday sahan saddex-geesood ah (3D seismic studies) si loo helo xog muhiim ah oo bilooyin socon doonta. Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in sahminta la soo gebagebeyn doono bisha Juun 2025, iyada oo xogta la ururiyey lagu falanqeyn doono magaalada Ankara si loo ogaado meelaha ugu habboon ee qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Bayraktar ayaa warbixinta la wadaagay kadib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Wasiirka Cusub ee Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya, Dahir Shire Mohamed, iyo wafdigiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wajiga xiga ee sahaminta iyo iskaashi cusub oo la samayn karo dhulka Soomaaliya. Wasiirka Tamarta ee Türkiye ayaa sheegay in labada dal ay sii xoojin doonaan iskaashiga tamarta iyo macdanta.
"Waxaan sii wadaynaa dadaallada aan ku xoojinayno iskaashiga tamarta iyo macdanta si uu u gaaro heer ku habboon xiriirka dhow iyo walaaltinimada ka dhaxeysa dalalkayaga," ayuu yiri Bayraktar, oo qoraal kusoo qoray bartiisa X.





