Hargeysa (Dawan) —Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Somaliland, Fu’aad Axmed Nuur, ayaa sheegay in weli aan xal laga gaarin khilaafka ka dhashay hirgelinta nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (E-Visa) ee dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Somaliland ay waddo dadaallo sharci ah oo ay kaga hor imanayso tallaabadaas.
Isagoo la hadlayay laanta Af-Soomaaliga ee BBC, wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay dunida u caddaynayso mowqifkeeda ah in dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax awood sharci ah ku lahayn Somaliland, isla markaana fiise kasta oo laga bixiyo Muqdisho uusan ka shaqaynayn dhulka Somaliland.
“Waa suuragal in safarayaashu lagu weydiiyo fiisaha elektaroonigga ah, balse xaqiiqada aan u gudbinayno beesha caalamka, oo ay ku jirto Boqortooyada Midowday iyo dalal kale, waa in Soomaaliya aysan sharci ahaan wax awood ah ku lahayn Somaliland,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaa ku daray in fiise ay bixiso dowladda Soomaaliya aan lagu geli karin Somaliland.





