MUQDISHO (Dawan) – Dab weyn ayaa fiidnimadii Isniinta ka kacay Suuq Bacaad, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn uguna mashquulka badan Muqdisho, wuxuuna sababay geerida hal qof iyo burbur hantiyeed lagu qiyaasay in ka badan $500,000, sida ay mas’uuliyiinta suuqa u xaqiijiyeen Dawan Talaadadii.
Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday guri ku yaalla gudaha suuqa xilliga salaadda maqrib, sababo la xiriira koronto ku kacday, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo suuqa ah. Dabka ayaa socday in ka badan 10 saacadood, waxaana la damiyay saqdhexe habeenkii.
Meelaha ugu daran ee uu saameeyay waxaa ka mid ahaa qeybaha lagu iibiyo alaabada guriga, qudaarta, maacuunta, iyo dahabka — kuwaas oo muhiim u ah ganacsatada yaryar iyo dadka dakhligoodu hooseeyo.
“Khasaare nafeed waxaa ka dhashay hal qof. Xalay lix saacadood ayaan halkaan joogay — hantida halkaan ku baaba’day nus milyan way ka badantahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuq Bacaad, Yuusuf Maxamed Wehliye isagoo la hadlayay Dawan.
Gurmadka ayaa waxaa ka qeyb galay Waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir, shirkado gaar loo leeyahay iyo dadweyne deegaanka ah. Si kastaba, howlgalka ayaa aad dib ugu dhacay sababo la xiriira waddooyin ciriiri ah oo aan u saamaxin gaadiidka dab-damiska inay si toos ah u galaan suuqa.







