Hargeysa (Dawan)- Somaliland iyo Soomaaliya ayaa is weydaarsanaya hadallo kulul oo siyaasadeed, kuwaas oo ka dhashay muran ku saabsan booqashada ay Hargeysa ku tageen qaar ka mid ah safiirradda wadamada Yurub u fadhiya Muqdisho.
Somaliland waxay sidoo kale si adag uga jawaabtay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ee ahaa in doorashada Somaliland aysan micno wayn sameynin.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyay Soomaaliya, iyadoo tillaabada loogu yeeray safiirka Denmark ay ku tilmaantay mid muujinaysa faham xumo iyo indho la'aan siyaasadeed. Somaliland waxay carrabka ku adkeysay inay difaaceyso madaxbannaanideeda iyo sumcadda geeddi-socodkeeda doorasho.





