Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedysay dowladda Soomaaliya inay ka dambeyso xiisaddii kasoo cusbnootaay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee ay ku dhinteen dhowrka qof.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in la iska hor keenayo bulshada ku wada nool gobolka Sanaag, iyada oo howshaas u xilsaartay Axmed Karaash si loo carqaladeeyo doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dhacaan 13ka November 2024ka.
Agaasimaha ayaa yiri; " Si looga hortago doorashooyinkeenna waxa maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ku talo-galay in laga rido dagaal gobolka Sanaag waxaanay u xil saareen Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash oo muddooyinkii dambe ka soo hanjabayay meelo ka mid ah gobolllada Sanaag iyo Sool"
Agaasimaha ayaa ku eedeeyay Axmed Karaash inuu ka dambeeyay shantii qof ee lagu dilay deegaanka Goof ee gobolka Sanaag iyo geel badan oo la dhacay.





