Nairobi (Dawan)- Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan , ayaa waaydii ugu dambeeysay wajahaysa walaac weyn oo dhinaca ammaanka ah ka dib dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim, oo 25 sano jir ahaa. Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lala xiriiriyay dilkan, iyadoo afar qof oo kale ay su’aalo weydiiyeen si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Afhayeenka booliiska Kenya, Dr. Resila Atieno Onyango, ayaa xaqiijisay in haweeneydan la qabtay ay la taagnayd marxuumka xilligii uu dilku dhacay. Sida ay booliisku sheegeen, Cabdiraxmaan iyo haweeneyda la xiray ayaa ku wada taagnaa bannaanka hore ee dhismaha DD Plaza oo ku yaalla waddada 12-aad ee Islii, markaasi oo ay ku soo dhawaadeen dabley hubaysan oo dilka geystay.



