Muqdisho (Dawan)- Haweenku miyaysan ahayn hal-doorka shacabka Soomaaliyeed?. Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye
Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam iyo Kursiga ugu sarreeya ee Midowga Africa iyo Xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka!
Xildhibaanada labada Aqal ayaa Fawsiya siiyey awood buuxda oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matasho; labada Gole ayaa Xildhibaan Fawsiya u uruuriyey lacag, laga qaday dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh!!
Xildhibaanada Sharafta leh, waxaan weydiiyey aawey awooddii aan Xildhibaan Fawsiya shalay ku ansixinnay si mug iyo miisaan leh oo aan taariikhda loo arag? Aawey awooddii Dastuurku inoo oggolaaday ee ah mid lama taabtaan ah? Aawey sharaftii haybaddii iyo maamuuskii guud ee labada Gole astaanta u ahaa? Aawey awooddi labada Gole ee Gudddoomiye, Madaxweyne, Ra'iisulwasaare iyo Xukuumadiisa ku ansixiyeen?
Xildhibaanada sharafta leh,maanta waxaan taagannahay ISGOYSIKII XAQA IYO BAADILKA lagu kala soocil lahaa, waana waajib ina wadasaaran in aynu awooddeena Dastuuriga ah soo ceshenno.
Kursiga Xildhibaan Fawsiya loo diiday, maxaa lagu baddashay? yaase awood u leh in uu buriyo Go'aanka Labada Aqal?






