Soomaaliya, 19 Oct. 25 — Xafiiska Amniga Qaranka oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa maanta Muqdisho ku qabtay tababar laba maalmood soconaya oo loogu talagalay saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda iyo wasaaradaha, kaas oo lagu falanqeynayo sida isbeddelka cimiladu u saameeyo amniga iyo xasilloonida dalka.
War-saxaafadeed lagu baahiyay Villa Somalia ayaa Ujeeddada tababarka ku sheegay in uu ahaa mid loowu talagahay in lagu fahmo xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, nabadda iyo amniga, iyadoo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga si ay u qiimeeyaan una maareeyaan khataraha ka dhasha cimilada isbedel bedela.
Xafso Cumar Cabdullaahi, madaxa waaxda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee wasaaradda deegaanka, oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarka, ayaa sheegtay in mas’uuliyad guud ay ka saaran tahay shacabka iyo dowladdaba ilaalinta deegaanka. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda wacyigelinta iyo aqoon kororsiga hay’adaha dowladda, si ay uga hortagaan khataraha deegaanka iyo cimilada.







