Muqdisho (Dawan)- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hakad ku yimid duulimaadyadii magaalooyiinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyada oo aan la ogayn sababta ilaa iyo hadda.
Waraka qaar waxay sheegayaan in la hakiyay duulimaayada laba diyaardood oo u socday magaalada Baydhabo, iyada oo subaxnimadii hore ee maanta lagu baahiyay baraha bulshada in is hor istaaag lagu sameeyay dadkii doonayay inay u safraan Baydhabo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay in la hakiyay duulimaadyadii magaalada Baydhabo sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo saartay.
"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba".






