Muqdisho (Dawan) – Diyaarad helikobtar ah oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku dhacday subaxnimadii Arbacada agagaarka bariga Afisyoni, oo ah saldhigii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Adde ee Muqdisho.
Sida uu sheegay Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Maallin Xasan, diyaaradda ayaa ka soo kacday saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo uu maamulo dalka Maraykanka. Helikobtar-ka ayaa sidday siddeed qof xilliga uu dhacayay shilka. Xaaladda dadkaasi weli lama oga, waxaana sii socdaa hawlgalka badbaadinta.





