Muqdisho (Dawan)- Machadka Heritage ayaa soo saaray faallo uu ugu magac daray "๐๐ค๐ง๐๐๐ฎ๐ฃ๐ฉ๐ ๐๐ค'๐๐๐ฃ๐ ๐ ๐๐ค๐ก๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฉ๐๐จ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐ฃ๐ ๐: ๐พ๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐ ๐๐๐ฎ๐๐๐จ๐๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐ฉ๐๐ฆ๐๐๐ก๐ ๐ ๐๐ค๐ค๐ข๐๐๐ก๐๐ฎ๐," taas oo lafagurayaa warmurtiyeedkii dhowaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.
Faalladu waxay ku doodaysaa in muddo-kordhin kale oo sannad ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku u sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada, ay shaki galinayso sida ay xubnaha golahan uga go'an tahay fulinta ballanqaadkoodii ahaa in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah dabayaaqada sannadka soo socda. Taasina waxa ay soo noolayn kartaa qalalaase siyaasadeed oo mar kale dalka halis galin kara, sida uu qabo Machadka Heritage.
Faalladu waxay tilmaameysa inay jiraan dhowr qodob oo shaki ku abuuraya muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadda kuwaas oo ay ugu muhiimsanyihiin;







