Muqdisho (Dawan)- Machadka Heritage ayaa soo saaray faallo uu ugu magac daray "𝙂𝙤𝙧𝙛𝙖𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙂𝙤'𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙙𝙖𝙩𝙖𝙨𝙝𝙞𝙜𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖: 𝘾𝙖𝙬𝙖𝙖𝙦𝙞𝙗𝙠𝙖 𝙎𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙪𝙨𝙩𝙖𝙦𝙗𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖," taas oo lafagurayaa warmurtiyeedkii dhowaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.
Faalladu waxay ku doodaysaa in muddo-kordhin kale oo sannad ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku u sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada, ay shaki galinayso sida ay xubnaha golahan uga go'an tahay fulinta ballanqaadkoodii ahaa in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah dabayaaqada sannadka soo socda. Taasina waxa ay soo noolayn kartaa qalalaase siyaasadeed oo mar kale dalka halis galin kara, sida uu qabo Machadka Heritage.
Faalladu waxay tilmaameysa inay jiraan dhowr qodob oo shaki ku abuuraya muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadda kuwaas oo ay ugu muhiimsanyihiin;





