Heshiiskii dhowaan lagu saxiixay magaalada Ankara, kaas oo diiradda lagu saarayay iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa khatar xoogan soo food saaray kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Itoobiya inay jebisay heshiiskaas.
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo ku sugan Addis Ababa, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Doolow. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay:"Weerarka dhawaan ciidamada Itoobiya ay ku qaadeen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee Doolow waa mid aan la aqbali karin. Ficilada noocan ah waxay wiiqayaan kalsoonida iyo dadaallada nabad-dhisidda ee ka soo baxay kulankii Ankara. Waxaan ku boorrinaynaa Itoobiya inay ficil ahaan muujiso isla markaana aysan hadal kaliya ku koobnaan."
Weerarka Doolow: Wararkii Ugu Dambeeyay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen saddex saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Doolow, saacado gudahood kahor shir muhiim ah oo labada dhinac uga socday Addis Ababa. Weerarka, oo dhacay 10:00 subaxnimo, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana loo arkaa jebin cad oo lagu sameeyay heshiiskii Ankara.
Xogta ka soo baxday Doolow ayaa muujinaysa in ciidamada Itoobiya ay beegsadeen xarumo ciidan oo ay maamulayeen ciidamada Xoogga Dalka, Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyo Booliska. Iska hor-imaadyo ayaa ka dhacay goobahaas, iyagoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirakoob rasmi ah aan weli la shaacin.




