Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa taageero buuxda u muujiyey bayaanka beesha caalamka ee ku baaqaya in si degdeg ah loo qabto wada-hadal qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.
Bayaanka beesha caalamka, oo ay soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, ayaa ka dalbanayey Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha Federaalka, iyo daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulsho qabashada madasha wada-hadalka ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay,si looga wadahadlo arrimaha qaranka oo ay ka mid yihiin amniga, dastuurka, iyo doorashooyinka.
Xisbiga Himilo qaran oo bayaan soo saaray shalay, ayaa adkeeyey baahida deg-degga ah ee loo qabo in la qabto wada-hadal dhameystiran oo ay ka qeyb-galaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.



