Muqdisho (Dawan)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel marisay Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kadib kulankii Khamiislaha.
Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha Wasiirada ugu mahadceliyay meel marinta Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isaga oo sheegay inuu soo maray dhammaan habraacyadii loo baahnaa.
" Xeer Nidaamkaan oo ahmiyad iyo faa'iido weyn u leh socodsiinta iyo horumrinta howlaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, wuxuu ka jawaabaya baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga NISA, wuxuuna xeerinaya arrimo lama huraan u ah shaqda Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay NISA.



