By Asha Elmi
JOWHAR, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa maanta buuxisay laba kursi oo Baarlamaanka Federaalka ka bannaaneyd muddo ku dhow labo sano, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay ahayd Hirshabeelle.
Kuraastaan Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah loogu buuxiyay munaasabad ka dhacday Jowhar, taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Hirshabeelle, xubno ka socday bulshada rayidka ah, iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha ay kuraasta la buuxinayay ka soo jeedaan sida ay sheegtay warbaahinta Hirshabeelle.
Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in Natiijada doorashada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdi Caddow Maxamed, kaas oo sheegay in natiijada ay ku geeleysteen Abdikarin Maxamed Diriye iyo Abdulqadir Maxamuud Maxamed, kuwaas oo kala helay kuraasta HOP097 iyo HOP098.



