Jowhar (Dawan)- Maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa magacaabay lix degmo oo cuusb.
Deegaanada loo aqoonsaday degmooyinka ayaa kala ah, Cali Gaduud, Moqokori, Raage Ceelle, Buq-aqbale, Xawaadley iyo Buurweyn, taas oo ka dhigan in labada Gobol midkiiba ay kusoo biireen seddex degmo oo cusub.
Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmahaan ku sameeyay maamulkiisa dib u habeyn isaga oo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Hirshabeelle iyo Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.






