Muqdisho ( Dawan) - Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u bogaadiyey doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo maanta ka qabsoontay caasimadda Muqdisho, iyaga oo sheegay inay u arkaan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa hambalyo u diray shacabka Muqdisho ka dib ka-qaybgalkii ballaarana oo ay muujiyeen codbixinta,issaga oo qiray in arrintani ay ka tarjumayso bislaansho siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka ee ka-qaybgalka go’aamada masiiriga ah.
Wuxuu sidoo kale ammaanay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyo hay’adaha amniga, doorkooda ku aaddan sugidda amniga iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.







