Moscow (Dawan)- Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah, in Tareenki uu saarnaa Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu gaaray dalka Ruushka, si uu ula kulmo Madaxweyne Vladimir Putin.
Waa safarkii ugu horeeyay ee Kim uu dibadda ugu baxo muddo 4 sano ah, waxaana la qorsheynaya in labada hoggaamiye ku kulmaan xarunta Jaamacadda Bariga Fog ee Vladivostok si ay uga qeybgalaan Madasha Dhaqaalaha Bariga ee la qorsheeyay in la qabto Sebtember 10 illaa 13
Dadka la socda siyaasadaha labadaan dal ayaa tilmaamaya in Ruushku ka doonayo Kooriyada Waqooyi Gantaalo iyo Madaafiic looga hor tegi karo Taangiyada, halka Kooriyada Waqooyi ay ka rabto Ruushka Tiknoolajiyada horumarsan iyo Nukliyeerka laga dhaliyo Tamarta.
Af-hayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa u sheegay warbaahinta Ruushka in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo waaweyn oo xasaasi ah.





