Addis Ababa (Dawan)- Waxaa hoos u dhac wayn ku yimid is-diiwaangelinta ardayda gobolka Tigray-ga si ay u aadaan goobaha waxbarasahada taas oo lagu sababeey saamaynta colaaddii ka jirtay deegaanada gobolkaas sanadihii lasoo dhaafay.
Sannad dusgiyeedkan waxaa is diiwaan geliyay wax ka yar hal milyan oo arday, iyada oo ay gobolka ku noolyihiin in ka badan 2.4 milyan oo arday oo gaaray da'da waxbarashada ama xaq u leh inay helaan adeeg waxbarasho.
" Marka aad si dhow u eegto heerka is diiwaangelinta, waxaada arkaysa in ka yar 20% inay is qoreen" Agaasimaha Xafiiska Waxbarashada Tigray, Seyoum Hagos ayaa sidaas u sheegy wargeyska Addis Standard.
Agaasimuhu waxa uu sababta koowaad ee dhibaatada waxbarasho ee Tigray-ga ku sheegay in in ka badan 106 dugsi oo gobolka ku yaal ay hadda hoy u yihiin dadka gudaha ku barokacay.
Marka laga soo tago caqabadaha ay keeneen kaabayaal la'aanta, Xafiiska Waxbarashada Tigray wuxuu sidoo kale wajahayaa dhibaatooyin xagga maaraynta dugsiyada, waxaana jira in ka badan 500 oo dugsi oo aysan maamulin ama ku yaal deegaanada ay maamulaan xoogaga kasoo horjeeda dowladda.
Seyoum waxa uu xusay in dugsiyadan ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Amxaarada iyo Eretria.





