By Abukar Osman
Muqdisho (Dawan) – Shirkadda Hormuud Telecom iyo hay’adda Save the Children Somalia ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo iskaashi ah, kaas oo diiradda saaraya horumarinta nolosha carruurta Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, iyada oo la adeegsanayo isku-darka tiknoolajiyadda isgaarsiinta iyo adeegyada bani’aadamnimo.
Heshiiskan ayaa lagu kala saxiixday munaasabad maanta si wadajir ah loogu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay wakiillo sare oo ka kala socday labada hay’adood iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, oo ay ku jirto Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka, Maxamuud cabdiraxmaan (Beenebeene).
“Iskaashigan wuxuu mideynayaa laba hay’adood oo si dhab ah ugu heellan fidinta gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarka bulshadeenna. Waxaan ku kalsoonahay in wada shaqeyntan ay horseedi doonto saameyn waarta iyo rajada mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf, Guddoomiyaha Hormuud Telecom.
Hay’adda Save the Children, oo Soomaaliya ka howlgaleysay in ka badan 74 sano, ayaa sheegtay in iskaashigan uu xoojin doono adeegyada la xiriira waxbarashada, caafimaadka, ilaalinta carruurta iyo awoodsiinta dhallinyarada.
“Markii aan mideynno khibradda Save the Children iyo Hormuud, waxaan hubaa in aan abuuri karno isbeddel dhab ah. Iskaashigan wuxuu naga caawin doonaa inaan ballaarinno oo aan xoojino adeegyada muhiimka ah ee aan u fidinno carruurta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee Save the Children Somalia.
Sida ay sheegeen Save the Children, iskaashigan wuxuu xooga saarayaa afar ujeedo oo muhiim ah:
Difaaca iyo kor u qaadidda xuquuqda carruurta Soomaaliyeed



