Soomaaliya, 23 Febraayo 2026 (Dawan)– Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Axaddii daah-furtay howl-gal gargaar oo loogu talagalay bisha Ramadaan, iyadoo xoolo nool iyo agab muhiim ah gaarsiisay maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo naafada ciidanka, taas oo qayb ka ah qorshe lagu caawinayo in ka badan 67,000 oo qof.
Hormuud Salaam Foundation , oo ah garabka samafalka ee shirkadda isgaarsiinta ugu weyn dalka ee Hormuud Telecom, ayaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ugu deeqday shan halaad oo geel ah iyo raashin quutul-daruuriga ah—oo ay ka mid yihiin bariis, sonkor, iyo bur. Deeqda ayaa sidoo kale waxaa ku jiray dhar cusub oo loogu talagalay in maxaabiistu xirtaan maalmaha Ciidul-Fidriga ee soo socda.
“Tani ma ahan markii ugu horreysay ee gargaar la gaarsiiyo Xabsiga Dhexe bisha Ramadaan; waa sannadkii 14-aad oo aan taageeradan siino maxaabiista si aan uga caawinno gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cusmaan, guddoomiyaha hay’adda.
Hay’addu waxay sidoo kale booqatay Isbitaalka Martini, oo ah xarun ay ku nool yihiin naafadii ku waxyeelloobay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-kii. Naafada halkaas ku sugan ayaa la guddoonsiiyay geel, lacag kaalmo ah, iyo kuraasta dadka naafada ah (wheelchairs) si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqooda.






