Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Ballaarinta Maamulka ee Jabuuti iyo Hay’adda Qatar Charity ayaa kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac, kaas oo diiradda saaraya horumarinta iyo taageeridda dadka nugul iyo dadka baahiyaha gaarka qaba (naafada).
Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Ballaarinta Maamulka, Qaasim Haaruun Cali, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Qaranka ee Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba, Ducaale Siciid Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Qatar Charity. Heshiiska ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha samafalka si loo hirgeliyo mashaariic saameyn togan ku leh bulshada aadka u nugul.
Labada dhinac ayaa ballan qaaday inay si dhow uga wada shaqeyn doonaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic horumarineed oo ka jawaabaya baahiyaha dadka baahiyaha gaarka qaba, gaar ahaan dhinacyada nolol-maalmeedka, adeegyada aasaasiga ah, iyo ka-qaybgalka bulshada.
Xafladda ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta deeq loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka qaba, taas oo muujisay hirgelinta degdegga ah ee ballanqaadyada ku xusan heshiiska. Agaasimaha Qatar Charity oo munaasabadda ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashigan iyo sida uu gacan uga geysan doono horumarinta nolosha bulshooyinka noloshooda ay hooseyso.







