Soomaaliya, 23 Febraayo 2026 (Dawan)– Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa dadaal ku bixinaysa sidii isbeddel istiraatiijiyadeed loogu sameyn lahaa gargaarka caalamiga ah, iyadoo dalbatay in ugu yaraan boqolkiiba 30 sanduuqyada Qaramada Midoobay loo soo mariyo nidaamka qaranka.
Intii lagu guda jiray dib-u-eegista sannadlaha ah ee mashaariicda Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee sannadka 2025, oo dhacday Axaddii, Maxamed Shire, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa saraakiisha u sheegay in xilligii “ka warbixinta hawlaha qabsoomay” ay tahay inuu dhammaado, laguna beddelo saameyn fog oo la cabbiri karo.
“Su’aasha udub-dhexaadka u ah hadda ma aha inta wax ee la keenay, balse waa ilaa xadkee ayay waxqabadka la sameeyay u xoojiyeen adkeysiga dadka,” ayuu yiri Shire, isaga oo raaciyay "Saameyn waarta waxay u baahan tahay is-weydaarsiga aqoonta iyo waddo cad oo kala guur ah oo xoojinaysa hoggaanka dowladda mar kasta.”
Shire ayaa intaas ku daray in iskaashigu uu ka weyn yahay waraaqo uun, isagoo ku adkeystay in la jaanqaadka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ay tahay in laga dhex arko qoondada kheyraadka. Wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda ay hadda ku jirto wada-hadallo lagu xaqiijinayo in ku dhowaad boqolkiiba 30 miisaaniyadda guud ee qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee dalka lagu soo mariyo “Nidaamka Guud ee Waddanka” (Common Country System), si loo xoojiyo maamulka maaliyadda dadweynaha.






