Muqdisho (Dawan ) – Shirkadda Hormuud Telecom ayaa maanta ku dhawaaqday in adeeggeeda EVC Plus mar kale la siiyay Shahaadada Adeegyada Maaliyadeed ee Moobeelka (GSMA) ee Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka.
Shahaadadan oo uu bixiyay Certi-Trust kadib kormeer lagu sameeyay intii u dhaxeysay 27-kii Juun iyo 22-kii Luulyo 2025, ayaa ansax ahaan doonta muddo saddex sano ah illaa 24-ka Luulyo 2028. Tani waxay EVC Plus ka dhigtay mid ka mid ah toban adeeg lacag dhijitaal ah oo keliya caalamka oo gaarhay heerkan, taas oo muujinaysa isbadelka Soomaaliya ka sameyneyso nidaamka maaliyadeed ee danabeysan
Sida lagu sheegay Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka (GSMA), shahaadadan waxaa la siiyaa oo keliya adeeg bixiyeyaasha muujin kara u hoggaansanaan adag oo ku saabsan ilaalinta macaamiisha, amniga, ka hortagga lacag dhaqidda sharci darrada ah iyo hufnaanta hawlgalka.Hormuud ayaa markii ugu horreysay heshay shahaadadan 25-kii Maarso 2022, taas oo ka dhigtay EVC Plus adeegii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku guuleysta aqoonsigan caalamiga ah.







