Jigjiga (Dawan)- Waxaa qoray. Mustafe Muxumad Cumar, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida
Waxaan boggaadinayaa shaqooyinka fiican ee ka qabsoomay dhanka Caafimaadka lixdii sano ee isbadalka
1. Waxaa la dhisay 9 Cisbitaal oo cusub, bilaabayna adeeg-bixin. Taas ayaa tirada Cisbitaalada Deegaanka ee hadda adeega bixiya ka dhigaysa 18. Waxaa kale oo dhismahadoodu socdaa 3 Cisbital, halka 10 kalana la bilaabi doono Sanadkan. Markay dhamaadaan Cisbitaaladdan cusub waxay ka dhigayaan tirada Cisbitaaladda ee uu Deegaanku leeyahay 31.
2. Waxaa la balaadhiyay 6 cisbitaal oo kala ah (Dhagahbour, Qabridahar, Godey, Fik, Biki, iyo Karamardha oo Jigjiga ah). Balaadhinta ayaa qaar dhamaatay, qaarna dhamaad ku dhaw yihiin, iyadoo ay ku jiraan 2 Cisbitaal oo Hooyooyinka iyo Caruurta ah (MCH Hospitals) oo lagu daray Cisbitaaladda Jigjiga iyo Qabridahar.

3. Dhamaan Cisbitaaladda deegaanka waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo ayna horay u bixin jirin oo ay ka mid yihiin: daawaynta indhaha, daawaynta lafaha, daawaynta ilkaha, kaydka dhiga (Blood Bank), qalabyo kala duwan oo shaybaadhka ah, farmasiyo casri ah, qalabka baadhida uur ku jirka, balaadhinta adeega qaliinka, adeega xaaladda daran ee dhalaanka ka yar 1 bil (Neo-Natal ICU) iyo bukaanka xaaladda daran ( ICU).









