Muqdisho, 29 Janaayo 2026 (Dawan)– Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgallo amni oo si gaar ah loogu tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in ujeeddada howlgallada ay ahayd burburinta shabakadaha Al-Shabaab iyo miinooyinka ay ku aasayeen waddooyinka, kuwaas oo halis ku ah nolosha shacabka. Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaraddu waxay sheegtay in afarta qof ee la dilay ay ku jireen howlo ay ku aasayeen miinooyin waddooyinka mara deegaanka, kuwaas oo ay si joogto ah ugu waxyeelleeyaan dad rayid ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.





