Nairobi – 2-da Janaayo 2026(Dawan)- Howlgal samatabixin ah ayaa ka socda magaalada Nairobi kaddib markii uu dumay guri ka kooban dhowr dabaq oo ku yaalla xaafadda South C, halkaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay jiraan dhowr qof oo ku hoos jira dhismaha dumay.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay in kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay ka mid yihiin booliis, dab-damis iyo shaqaale caafimaad, ay si wada jir ah ugu howlanyihiin si loosoo badbaadiyo dadka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan afar qof loo maleynayo inay ku hoos jiraan burburka, kuwaas oo ay ku jiraan waardiyeyaal iyo dad rayid ah oo goobta marayay xilligii shilka.
Wasiirka Adeegga Dadweynaha ee Kenya, Geoffrey Ruku, ayaa sheegay in hawlgalku uu socdo inkasta oo waqtigu cariiri yahay, si loo badbaadiyo dadka ku xayiran. Wuxuu intaas ku daray in xogta la helay ay muujinayso in laba ka mid ah dadka la raadinayo ay ahaayeen waardiyeyaal ku sugnaa dhismaha, halka labada kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo saarnaa taksi marayay goobta.






