Muqdisho (Dawan) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in ku dhawaad 5,000 oo howlwadeen doorasho ah loo diyaariyay isla markaana la dhaariyay si ay uga shaqeeyaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Muqdisho 25-ka Diseembar 2025.
Guddigu wuxuu sheegay in howlwadeennadan, oo u badan dhallinyaro, ay soo mareen tababbarro la xiriira hab-maamulka doorashada, waajibaadka shaqaalaha, xuquuqda codbixiyayaasha iyo habraacyada lagu xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhaarinta, ayaa tilmaamay in doorashada Muqdisho ay leedahay miisaan gaar ah, isla markaana ay tijaabo u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Wuxuu xusay in howlwadeennada doorashadu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo kalsoonida dadweynaha.
Guddoomiyuhu wuxuu howlwadeennada ugu baaqay inay si buuxda u ilaaliyaan dhexdhexaadnimada, caddaaladda iyo anshaxa shaqo, ayna si isku mid ah ula macaamilaan dhammaan ururrada siyaasadeed iyo goobjoogayaasha doorashada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in masuuliyadda ay qaadi doonaan maalinta codbixintu ay si toos ah u saameyn doonto aragtida iyo kalsoonida bulshada.





