Jabuuti (Dawan)- Urur Ggoboleedka IGAD iyo Dowladda UK, ayaa soo dhaweeyey qodobadii kasoo baxay shirkii wada xaajoodka ee Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo labo maalin ka socday dalka Jabuuti.
IGAD iyo UK ayaa u arka qodobada shirka iyo heshiisyada la isku afgraty tillaabo muhiim ah oo loogu qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo xal u helidda khilaafyada ka dhax jira lbada dhinac.
"Waxaan soo dhaweyneynaa war-murtiyeedka la isku afgartay ka dib wada hadallo muhiim ah oo u dhexeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland. Waa Tillaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dib-u-heshiisiinta," ayay lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda UK ee Soomaaliya.
Xoghayaha fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isaguna dhankiisa soo dhoweeyay dadaallada ay wadaan labada dhinac, isaga oo qiray muhiimadda ay wada hadalladaan u leeyihiin xal u helidda cabashooyinka lagala qabo iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
“Waxaan soo dhaweynayaa dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada hadllada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka dhacay dalka Jabuuti toddobaadkan, waxaana adkeynaya muhiimadda ay leedahay in hab nabadeed iyo wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafaadka iyo cabashooyinka ka jira Gobolkeena iyo meelaha kaleba,” ayuu yiri, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD.





