Muqdisho (Dawan)- Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo maanta Muqdisho ku tegay booqasho rasmi ah ayaa Soomaaliya ka codsaday inay kaalin ka qaadato sidii Suudaan markale loogu soo celin lahaa ururka iyo wax ka qabashada colaadda ka taagan dalkaas in ka badan laba sano.
Gebeyehu ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
" Waxaan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya u dhiibo mas'uuliyadda ah inay nagu caawiso sidii aan walaalaheen Suudaan dib ugu soo celin lahayn IGAD" sidaas waxaa yiri; Gebeyehu
Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa xusay in kumanaan qof oo Soomaali ah uuna ka mid yahay Fiqi iyo malaayin kale oo Itoobiyan ah inay wax kusoo barteen dalka Suudaan, hadana la joogo xilligii la gudi lahaa abaalkaas.
" Wasiirka waxaan ka codsaday inuu naga caawiyo xallinta khilaafaadka iyo dagaalka ka socda Suudaan. Waa mas'uuliyad wayn, waxaana kalsooni ku qabnaa Soomaaliya inay howshaas uga soo bxii doonto si hufan" ayuu hadalkiisa raaciyay.






