Muqdisho (Dawan ) – Maxamed Cabdi Waare, Ku Xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Al-Shabaab aysan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dalka, taasoo ka dhalatay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.
Waare, oo qoraal ku soo qoray 7 July 2025 bartiisa X (Twitter), ayaa iftiimiyay sidii Al-Shabaab ay u qabsatay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, taasoo muddo dheer ahayd saldhig muhiim ah oo ay Ma’awisleyda, oo ah koox beeleed dagaal kula jirta Al-Shabaab. Isagoo ka hadlayay xaaladda, Ware wuxuu ku andacooday in qabsashada Moqokori ay muujinayso caqabado culus oo ka jira Soomaaliya, kuwaas oo hortaagan dadaallada lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab.
“Waxaa noo cad nafteena, saaxiibadeena, iyo Shabaab lafteeda, in ciribtirka kooxdan argagixisada aysan ahayn mudnaantayada koowaad!” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Waare ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ka soo gudubtay dhulalka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xoogga u saaraan Moqokori, iyadoo aan jirin wax iska caabin ciidan oo laga helay ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale xusay in kooxda Ma’awisleyda, oo qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ay awoodi waayeen inay ka hortagaan qabsashada magaalada Moqokori.



