Muqdisho (Dawan)- Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Jumca Al Rumaithi ayaa maanta daah-furay Qunsuliyadooda Muqdisho iyo xarunta bixinta fiisaha, taas oo hadda kadib u fududeyneysa muwaadiniinteeda Soomaaliyeed inay helaan dal ku galka Imaaraadka Carabta.
Safiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ujeedada loo furay qaybtan cusub ay tahay sidii la loogu adeegi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Imaaraadka Carabta.
Safiirka ayaa intaas ku daray, in tillaabadan ay ka qayb ka qaadan doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo isu socodka labada shacab " Waxaan go’aansanay inaan furno xaruntan qaabilsan dal ku galka ah oo loogu adeego muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo fududeeyo hannaanka looga baahan yahay dhammaan noocyada fiisooyinka "
Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdisaa ay ka ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan sida xasiloonida iyo horumarinta.
Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac, ayaa sheegay in tillaabadani ay ka dhigan tahay fududeynta habka soo gudbinta codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay muujineyso sida ay uga go’an tahay labad dal xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo in kor loo qaado iskaashiga.






