Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in in ka badan 60 dagaallame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay bil kasta isa soo dhiibaan, kaddib cadaadiska militari ee dowladda oo sii kordhaya iyo jab xooggan oo ku yimid awooddii kooxda.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta oo Talaada ah ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo xusay in dowladda ay si buuxda u soo dhoweynayso dagaallamayaasha ka tanaasula fikirka kooxda, isla markaana ay dowladdu u maareynayso qaab nidaamsan cid kasta oo isa soo dhiibta.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab inay bilaabeen inay la soo xiriiraan mas’uuliyiinta dowladda, kana dalbadaan cafis, kaddib markii, sida uu sheegay, ay awoodi waayeen inay u adkeystaan weerarrada joogtada ah ee lagu hayo.
"Waxaan sidoo kale sheegnay in qaar ka mid ah Khawaarijta sare ay la soo xiriireen mas'uuliyiinta, waxay rabaan cafis. Kadib markii aysan u adkeysan karin dharbaaxooyinka soo gaaray oo aysan meel ku nabadgelin karin, waxay arkeen in Dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay. Waxay garwaaqsadeen in aysan jirin meel ay ku nabadgeli karaan. Waxaan soo dhaweyneynaa Arintaas,” ayuu yiri Fiqi.





