Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada sare ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday deegaanadda dowlad deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya, Raja badan ayaa jirta oo ku saabsan isbdel ku yimaada natiijada ardayda deegaanka iyadoo sanadkan u fadhiisatay 16,779, oo isugu jira culuumta dabiiciga ah iyo kuwa bulshada.
Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Jigjiga, Jaamacadda Qabridahar, iyo jaamacado kale oo ku yaal deegaanada dariska ah.
Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Wasiirka Waxbarashada DDS, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, ayaa sheegay in sanadkan ay xooga saareen tayeynta waxbarashada, gaar ahaan diyaarinta ardayda imtixaanka u fariisanaysa. Wuxuu sheegay in dadaallo dheeri ah la sameeyay si loo wanaajiyo waxbarashada, isla markaana ardayda loogu diyaariyo guulo la taaban karo.






