By Asha Elmi
In ka badan 1.5 milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid dunida oo dhan ayaa ku sugan Sacuudiga maalinta ugu barkeysan ee jadwalka Islaamka—Maalinta Carrafa,waa maalin Muslimiin badani ay gutaan wajibaad ilaah saaray oo awoodooda ay noqtay inay ridaan.
Waa Maxay Maalinta Carrafa?Maalinta Carrafa, oo ku beegan 9-ka Dhu al-Hijjah ee jadwalka Islaamka, waxaa loo arkaa inay tahay maalinta ugu qaalisan sanadka ee Muslimiinta. Xujeydu waxay u safraan Buurta Carrafa, oo sidoo kale loo yaqaan Jabal al-Rahmah (Buunta Naarta), si ay ugu noolaadaan maalintaas oo ah mid cibaado oo ruuxi ah.
Dhaqanka Carafa:Xujeydu waxay maalinta Carrafau tahay waa waqti ay ku raadiyaan cafis, iyo dembi dhaaf, maadaama la timaamay in maalintan Ilaahay uu ku soo dhowaado kuwa iimaanka leh, isla markaana uu cafiyo dambiyadooda.
Maalintan waxay sidoo kale tahay maalinta ay Muslimiinta caalamka oo dhan badanaa soomaan waana soon ay ku weyneenayaan maalinkaan dadka aysan u suuragelin tagtaanka xajka.. Qorrax dhacdii, xujeydu waxay u socdaalaan Muzdalifah, halkaas oo ay ka urursadaan dhagxaan loogu talagalay maalinta xigta.
Xajka: Tiirarka IslaamkaXajka, oo ka mid ah Tiirarka Shanta Islaamka, waa waajib diimeed oo saaran Muslimiinta awood u leh inay gutaan ugu yaraan hal mar noloshooda. Xajku, oo dhacaya bisha Dhu al-Hijjah ee jadwalka Islaamka, waa silsilad qoto dheer oo muddo shan ilaa lix maalmood ah ah.







