Addis Ababa (Dawan)- Tirada dadka ku dhintay deegaanka Gofa ee Koonfur Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 229 qof sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan deegaanka.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu dadkaan la go'ay dhulka maalintii Isniinta, waxaana lagu jira baadi goobka dad kale oo la aaminsayahay inay ku jiraan dhulka hoostiisa.
Sida la xaqiijiyay, dadka dhintay ayaa isagu jira 148 rag ah iyo 81 haween ah, waxaana dadkaas ka mid ah macalimiin, khubaro dhanka caafimaadka iyo beeraha ah iyo shaqaalaha gurmadka oo goobta usoo gaaray inay dadka u fidiyaan caawinaad.
Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa tacsi u diray dadkii ay dhibaatadu soo gaartay, wuxuuna ballan qaaday in dowladdu qaban doonto wixii karaankeeda ah " aad ayaan uga xunahay khasaarahan foosha xun." ayuu yiri; Abiy Axmed.
Horaantii bishaan, dowladdu waxay ka digtay khatarta fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka ka socda gobollada Koonfurta iyo caasimadda Addis Ababa.



