MUQDISHO, Soomaaliya (Dawan) – Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka bilaabmay imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe ee 2025, iyadoo in ka badan 41,000 oo arday ah ay u fariisteen imtixaankan, taasoo ka dhigtay tirada ardayda ugu badnayd ee abid ka qeyb gasha imtixaankan.
Wejiyada ardayda ayaa muujinaya rajo iyo yididiilo,Waxaa ay ku taamayaan inay maraan waddada ugu dheer ee waxbarashada, iyaga oo u arka imtixaankan sidii albaabka laga galo riyooyinka waaweyn. Sacad Muxuudiin, oo ka mid ah ardayda maanta ka qeyb gashay imtixaanka, ayaa sheegay in "Imtixaankaan aan maanta ufadhiyo waa midkii ii suuraglin lahaa inaan dhigo dharka jaallaha ee dugsiga dhaxe , una gudbo dugsi sare."
Sacad iyo kumanaan kale oo arday ah ayaa maanta ka qeyb galay imtixaanka, iyaga oo rajaynaya inay gaaraan heerka dugsiga sare. Maalin caadi ah ma aha, waayo waxay tahay maalin ay u fariisanayaan imtixaanka muhiimka ah ee mustaqbalkooda waxbarasho.
Sanadkan, tirada ardayda ee ka qeyb galaya imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir waxay gaareen 41,639 arday, taasoo ka dhigaysa tiradii ugu badnayd ee abid u fariisata imtixaanka tan iyo markii la hoos keenay maamulka gobolka. Waxaa la asteeyay 108 xarumood oo kala duwan oo imtixaanka lagu qabanayo, kuwaasoo ku kala yaalla guud ahaan gobolka Banaadir.
Tirada ardayda ee sanadkan ayaa korortay ku dhow 18% marka loo eego sanadkii hore, iyadoo sanadkii hore ay imtixaanka u fariisteen in ka badan 35,000 arday. Tani waxay muujinaysaa isbedel weyn oo ku yimid kororka tirada ardayda iyo dugsiyada dowladda hoos yimaada ee bixiya waxbarasho tayo leh.







