Muqdisho, 24 Febraayo 2026 (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digay in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo ba’an, xilli abaaro sii kordhaya, amni darro iyo dhaqaale yari ay dalka u sii riixayaan xaalad bini’aadantinimo oo degdeg ah.
Bayaan wadajir ah oo ay maanta oo Talaado ah soo saareen dowladda federaalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 1.8 milyan oo carruur ah la filayo inay la kulmaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan, oo ay ku jiraan ku dhowaad nus milyan carruur ah oo laga yaabo inay wajahaan nafaqo-xumo aad u daran.
Sida ku cad qiimeyntii ugu dambeysay ee Sugnaanta Cuntada (IPC), 6.5 milyan oo qof ayaa la saadaalinayaa inay gaaraan heerarka gaajada ee sii xumaanaya (IPC Wajiyada 3 iyo 4) illaa Maarso 2026, kuwaas oo ay ku jiraan qiyaastii 2 milyan oo qof oo ku jira xaalad degdeg ah.
Bayaanka ayaa xusay in cunno-yarida ay sii kordhisay biyo la’aan baahsan, iskahorimaadyo, barakac iyo hoos u dhac ku yimid gargaarka.
Abaarta ayaa sababtay dalagyo baaba’ay, xoolo dhintay, kor u kaca qiimaha cuntada iyo barakac ballaaran, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Inkasta oo roobabka Gu’ga ee la filayo inta u dhaxaysa Abriil iyo Juun ay keeni karaan nafis kooban, dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay ka digeen in 5.5 milyan oo qof ay weli u dhowdahay inay ku sii jiraan xaalad adag, iyadoo soo kabashada abaartuna la filayo inay qaadato waqti dheer.







