Muqdisho (Dawan)– Dowladda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa Isniintii soo dhoweysay wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho, balse waxay sheegtay inay ka xun tahay in kulamadaasi kusoo dhammaadeen heshiis la’aan, iyadoo labada dhinacba ugu baaqday inay sii wadaan wada-hadalka iyo tanaasulka.
Qoraal lagu daabacay baraha bulshada maanta oo Talaado ah, ayay UK ku sheegtay inay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, isla markaana ay sii wadi doonto la shaqeynta saaxiibbada caalamiga ah si loo taageero dadaallada lagu xallinayo arrimaha siyaasadeed ee taagan.
“Waxaan soo dhoweyneynaa kulanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka dhacay Muqdisho, inkastoo ay wax laga xumaado tahay in weli aan la gaarin isfaham buuxa,” ayaa lagu yiri qoraalka.








