Muqdisho,( Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta mar kale dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kaddib in ka badan laba sano oo hakad ah.
Waddadan, oo markii ugu horreysay la dhagax-dhigay bishii Oktoobar 2023 xilligii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa hadda dib loo billaabay dhismaheeda, sida uu sheegay Duqa Muqdisho. Mashruuca ayaa qorshaysan in lagu dhiso waddo dhererkeedu yahay 3.4 kiiloomitir, oo leh laba jiho, iyadoo ballaceedu gaarayo 30 mitir, halka qaybo ka mid ah ay noqon doonaan 25 mitir.
Muungaab ayaa sheegay in markan uusan mashruucu noqon doonin “dhagax-dhigis, sawir-qaadis ah”, balse uu yahay mid si dhab ah loo fulinayo, isagoo xusay in dhaqaalihii dhismaha la bixiyay isla markaana shaqadu ay maanta billaabanayso. Wuxuu digniin u diray dadka degan hareeraha waddada, isagoo ka codsaday inay baneeyaan dhulka waddadu mareyso.
“Waddada Jamhuuriya marar badan waa la dhagax-dhigay, balse tan maanta ma aha sawir. Lacagtii waan bixinnay, dhismuhuna isla maanta ayuu billaabanayaa. Qof kasta oo shaqadu ku timaaddo, waa la duminaa, cagaftana waa la gelinayaa,” ayuu yiri Muungaab.







