Tokyo (Dawan)- Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Waqooyiga iyo Bartamaha Japan, waxaana laga casbi qabaa in ay Tsunami ka dhacdo xeebaha dalkaas.
Xukuumadda Japan ayaa amartay in shan Gobol laga daad gureeyo in ka badan 51,000 oo qof kadib markii Dhul-gariirku saameyn ku yeeshay.
Guryo badan ayaa dumay, waxaana si ku meel gaar ah u hakaday adeegyada tareenada ee Gobollada qaar.



