Muqdisho, 14 Abriil 2025 – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay ku darsatay $3.9 milyan gargaarka ay siiso Hay'adda Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loo xoojiyo Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF), kuwaasoo la dagaallamaya Al-Shabaab. Taageeradan cusub ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada Ingiriiska in ka badan $50 milyan tan iyo 2021.
Taageerada waxaa ka mid ah agab muhiim ah sida sahayda cuntada, shidaalka, iyo adeegyada badbaadinta dhaawacyada ee loo fidiyo ciidamada SSF. Taageerada cusub ayaa sidoo kale xoojin doonta awoodda ciidamada Soomaaliya ee kujira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mike Nithavrianakis, Safiirka UK ee Soomaaliya, ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin inay sii wadaan taageerada amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dalalka kale inay ka qayb qaataan sanduuqa UNSOS SSF si loo taageero ciidamada geesiga ah ee Soomaaliya.



