London ( Dawan)- Xisbiga Shaqaalaha ee uu hoggaamiyo Keir Starmer, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashadii guud ee Ingiriiska, wuxuuna soo afjaray 14 sano oo xisbiga Conservative-ka hoggaanka u hayay talada dalkaas.
Ra'iisul Wasaare Rishi Sunak ayaa qirtay in Xisbigiisa ay soo gaartay khasaaro culus, isaga oo sheegay inuu qaadan doono mas'uuliyadeeda wuxuuna yiri " waan ka xumahay, wixii dhacay".
Tirada kuraasta uu helay xisbiga shaqaalaha ayaa kor u dhaaftay 400, iyada oo Baarlamaanka dalkaas uu ka kooban yahay 650 kursi, halka xisbiga Conservative-ka uu helay 119 kursi oo kaliya, 71 kursi waxaa nasiib u yeeshay xisbiga Libaraalka ah, iyada oo 35 kursi ay kala qaybsadeen xisbiyada kale.
Natiijadaan ayaa ka dhigan in Xisbiga shaqaalaha uu helay 210 kursi oo cusub halka xisbiga Conservative-ka uu lumiyay kuraas gaareysa 249. Xisbiga u ololeeya madaxbannaanida Scotland (SNP) ayaa lumiyey 38 kursi, wuxuuna doorashadan helay 9 kursi oo kaliya, taas oo mugdi gelinaysa mustaqbalka siyaasadda xisbiga.
Doorashadan ayaa noqotay markii ugu horeysay ee xisbiga Conservative uu helo wax ka yar 30% doorashada dalka Ingiriiska, sida ay sheegtay shabakadda Sky News.
xisbiga Conservative-ka ayaa hogaanka u qabtay dalka Ingiriiska sannadkii 2010-kii xilligaas uu hoggaaminayay David Cameron, waxaana hogaanka xisbiga iyo Ra'iisul Wasaaraha isku bedelay Theresa May, Boris Johnson , Liz Truss, iyo Rishi Sunak
Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid tahay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Liz Truss s ayaa waayay kuraastooda , waxaa sidoo kale difaacan waayay kuraastooda ilaa toban wasiiir oo uu ku jiro wasiirka difaaca Grant Shapps, iyo sidoo kale Penny Mordaunt, oo loo arkayay in ay noqon karto hoggaamiyaha mustaqbalka ee xisbiga.
Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee noqon doona Ra'iisul Wasaaraha, Keir Starmer, ayaa sheegay in isbedelki ay ku baaqeen uu billaawday, wuxuuna yiri;" Waan guuleysanay, isbeddello ayaa hadda ka billaabmaya guud ahaan dalka, dadka Britishka ah ayaa ku baraarugay iyagoo dareemaya in culees laga qaaday garbahooda. ”
Sunak ayaa la filayaa inuu iscasilaadiisa u gudbiyo King Charles III galinka dambe ee maanta oo Jimca ah.



