Muqdisho (Dawan)- Safiirka Iran u fadhiya Kenya, Cali Gholampour ayaa rajo ka muujiyay dib usoo nooleynta xiriirka Soomaaliya kadib dhowr sano oo uu hakad galay.
Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmay kadib markii ay dowladda Soomaaliya xabsiga kasii deysay 33 muwaadiniin u dhashay Iran kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya 2023, iyaga oo si sharci darri ah uga kalluumaysanaya badda Soomaaliya, waxaana lagu xakumay ganaax lacageed.
Safiirka Iran ayaa sheegay in go'aanka ay Soomaaliya kusii deysay muwaadiniinta dalkiisa inuu ka qeyb qaadan doono abuurista jawi wanaagsan oo dib loogu soo celinayo xiriirkii laba geesoodka ahaa, isla markaana u gogol xaaraya wada hadal wax ku ool ah oo dhex mara Iran iyo Soomaaliya.





