Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland, Micheál Martin ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ugu deeqday Itoobiya lacag dhan 15 milyan oo Yuuro si wax looga qabto horumarinta iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu kulan kula qaatay Addis Ababa, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, iyaga oo kawada hadlay xaaladaha dhaqaale ee ka jira dalka iyo sida looga soo kaban karo colaadaha iyo abaaraha ka dhacay Itoobiya waayihii ugu dambeeyay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay labada dal u leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha si looga mira dhaliyo himlada labada shacab ee ah in la gaaro isbedel dhaqaale oo casri ah, isaga oo ballan qaaday inay Itoobiya ka taageerayaan wax u qabashada dadka ku waxyeelloobay colaadaha " Waxaa kale oo naga go’an inaan taageerno dadka dhibanayaasha u noqday colaadaha.”
Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddiga Wada-tashiga Qaranka, isaga oo la wadaagay khibradda ay dowladdiisu u leedahay ka shaqaynta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshooyinka la kulmay colaadaha sokeeye, isaga oo u fidiyay Guddiga martiqaad dabayaaqada sannadkan.



