Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay kororka tirada kiisaska is dilka ragga oo kusii badanaya guud ahaan, iyada oo loo aaneynayo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, isticmaalka maandooriyaha iyo culeyska ka jira guryaha.
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha, Mary Muthoni, ayaa sheegtay in cudurrada maskaxda ay weli yihiin sabab weyn oo keenaysa in qofku is dilo, iyadoo ay wehliyaan khamriga, mukhaadaraadka iyo rabshadaha qoysaska. Waxay arrintan ka hadashay intii lagu guda jiray aaska Mathew Njiru Muchira, oo ahaa 53-jir isku dilay beertiisa oo ku taal degmada Gichugu ee gobolka Kirinyaga.
Muthoni ayaa ku baaqday in qoysaska iyo bulshada ay fiiro gaar ah u yeeshaan isbeddelada dhaqan ee ku yimaada ragga isla markaana ay taageero siiyaan halkii ay ka canaan lahaayeen.




