Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay, in kabadan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen is rasaasayn subaxnimaddi maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab ku eedeysay inay ka dambeeyeen dagaalkii maanta Xabsiga ku dhex maray ciidamada iyo qaar ka mid ah maxaabiista Al-shabaab ee ku jira Xabsiga
Af-hayeen ciidanka Asluubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe ay isku dayeen inay xabsiga ka sameeyaan arrimo ka dhan ah amniga, kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada ilaalada xabsiga, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac
"Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus. Waxaa ka dhaawacmay 18. Askarta waxaa ka dhintay 3, waxaana ka dhaawacmay 3" ayuu yiri, Afhayeenka ciidanka Asluubta



