Hargeysa (Dawan)- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murashaxa xisbiga Waddani, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Somaliland , isaga oo helay 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 % codadkii la dhiibtay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf.
Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 6aad ee Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu tagga sanandkii 1991.
Madaxweynihii xilka hayay ee Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa murashaxa xisbiga Kulmiye, ayaa helay 225,519 cod (34.81%), halka murashaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, uu helay codad ka yar 1%. Doorashadan ayaa sidoo kale keentay in xisbiga UCID, oo ka mid ahaa xisbiyada ugu da’da weyn Somaliland, uu waayo awooddiisii xisbinimo, maadaama uusan helin codad ku filan. Saddexda xisbi ee soo baxay uguna codadka badan waxay kala yihiin Waddani (216,284 cod), Kaah (131,507 cod), iyo Kulmiye (108,100 cod).



