Itoobiya (Dawan) – Wafdi sare oo ka socda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, taas oo qeyb ka ah dadaallada labada dal ay ku xoojinayan in iskaashiga amniga loo weeciyo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo ballaaran.
Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, waxaana ka mid ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson. Booqashada ayaa ku soo aaday xuska sannad-guurada 90-aad ee aas-aaska Ciidanka Cirka Itoobiya, taas oo muujisay xiisaha Washington ka qabto doorka Itoobiya ee amniga gobolka iyo dhismaha awoodaha difaaca.
Intii ay socdeen wada-hadallada ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac, waxaa la isla gartay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo arrimaha difaaca. Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caa’isha Maxamed, ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay ka tarjumayaan ballan-qaad wadajir ah oo lagu horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah lana gaarsiinayo heer iskaashi istiraatiiji ah oo diiradda saaraya nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Jeneraal Anderson ayaa booqashada ku tilmaamay fursad lagu xoojinayo xiriirrka taariikhiga ah ee labada dal, isla markaana lagu dhisayo wada-shaqeyn mustaqbalka ah. .
Wadahalladu kuma koobnayn dhinaca amniga oo kaliya, balse waxa sidoo kale la gorfeeyay fursadaha dhaqaalaha. Mas’uuliyiinta Mareykan ah ayaa tilmaamay danahooda ku aaddan ballaarinta iskaashiga ganacsi ee ay la leeyihiin dowladda Itoobiya iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyada oo la dhiirrigelinyo ganacsiga iyo maalgashiga





